Deni oo Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshadda Rayidka

Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qaabilay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed.

Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweeyeen Shirkii Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena hadana ay rajo wanaagsan ka qabaan Shirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021,waxay Ururada Bulshadu muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM