Muxuu ka yiri Gudoomiyaha Gobolka Nugaal amaanka caasimada Garowe?

Image

GAROWE Jan 10,2015 [GO]- Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaaji Cali (Bumbe) ayaa sheegay maanta wixii ka danbeeya inay tilaabo sharci ah  ka qaadi doonaan cidii lagu arko iyadoo faraha kula jirta dhulka sida sharci daradda ah loo calaamaysanayo ee Gobalka Nugaal.

Buumbe ayaa isagoo la hadlayey warbaahinta Radio Garowe waxaa uu sheegay in laga wada shaqeeyo bilicda magaalo madaxda Puntland iyo guud ahaan iyo Degmooyinka hoos yimaada.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa wayadii dambe waxaa aad ugu soo badanayey ciidamo ku labisan dharka caadiga ah Maliteriga oo qoryo iskala  dhexwareegaya kuwaasoo mararka qaarkood ku lug yeesha boobka dhulalka sida gaarka loo leeyahay iyo kuwa danta guud.

Gudoomiyaha oo wax laga waydiiyey sababta keentey ayaa beeniyey iney jiraan ciidamadaas kuwaasoo mararka qaarkood rasaas ka rida goobaha shacabka isugu yimaado.

Jimcihii lasoo dhaafey ayey aheyd markii Askari ka tirsan ciidamada ilaalada gaarka ah ee taliyaha qaybta gobolka Nugaal  uu diley Askari ka tirsan Booliska gobolka Nugaal oo sita qori AK47 xilli uusan qabin dareyska ciidamada. 

Askarigii gaystey fal-dambiyeedkaas ayaa gacanta waxa ku dhigey ciidamada Booliska isaga iminka ku xiran saldhiga dhexe ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM