Muxuu yahay hiigsiga dowladda Puntland ee 2040-ka?

Image
Image
Image
Image
Image
Kulan lagu soo bandhigay qorshahan ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha ay Puntland hiigsanayso 2040, waana markii ugu horeysay ee la sameeyo qorshe fog iyo hiigsi Dowladeed Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorsheynta kusoo bandhigeen waxyaabaha la hiigsanayo iyo habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso sida;

*Habka danabeysan ee casriga ah ee maareynta howlaha Golaha Wasiirada (E-Cabinet).

*Habka Casriga ah ee qiimeynta iyo dabagalka (PIMES)

*Nidaamka Maareynta Adeegyada Bangiga (Digital Banking)

Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale lasoo bandhigay Puntland iyo marxaladihii lagu aasaasay 1998 iyo hadda meesha ay marayso, guulaha laga gaaray dimuqraadiyadda Puntland, dhismaha ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhammaantood laga sameeyay horumar taariikhi ah.

"Dowlad aan dalkeeda amnigeeda sugi karin markey tiraahdo doorasho qof iyo cod baan qabaneynaa been bay sheegeysaa," ayuu Deni ku yiri nuqul kamid ah hadal-jeedintiisa madasha.

Wuxuu raaciyey: "Waan u mahadcelinaya dhammaan Masuuliyiinta iyo howl wadeenada shaqada wanaagsan halkan kusoo bandhigay. Puntland 1998 ayaa la aasaasay, illaa iyo hadda maalinba Waxba ku kordhayay, maantana waxaynu marayna in aynu soo bandhigno hiigsigeena 2040. Inshallah".

Deni oo si rasmi ah u daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay wadajir isugu diyaariyaan maanta taariikh qormeysa, oo lagu suntayo mustaqbalka Puntland 2040, si loo qaabeeyo loogana shaqeeyo Puntland kasii qurux badan maanta Halka ay joogto, nabad ah oo horumar kusii tallaabsata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM