Muxuu yahay shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga oo PL qabaneyso?

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa qabaneysa xagaaga soo aadan shirka ganacsiga iyo maal-gashiga, sida uu ka dhawaajiyay Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirkaan oo soconaya maalmo ayaa lagu marti qaadi doonaan dhamaan dhinacyada uu quseeyo si ay uga faa'ideysteen fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland.

Mudada uu socdo shirka, waxay dowladdu soo bandhigi doontaa shuruucyada maalgashiga iyo meelaha u baahan maal-gelinta.

– Balanqaadka xukuumadda –

Madaxwayne Deni ayaa wacad ku maray in dowladiisu u fududeyn doontaa ganacsatada maalgashatada ah dhamaan adeegyada ay ubaahan yihiin.

"Waa inaanu bedalnaa [dhaqanka ah] in aan faa’ido raadino iyada oo uusan waxba imaan, si dhaqaalaha u kobco," ayuu raaciyay Deni.

Maal-gashatada ayuu kaga digay in aysan marin nidaamka dowladiga ee saxda ah, isaga oo ku booriyay in ay taasi caskideeda adeegsadaan.

"Ma jiri doonto shuruud oo aan ku xeri doono, hadii ay maraan nidaamka saxda ah...xitaa waxaan diyaar u nahay in aan kala hadlno qaabka maalgelinta," ayuu ku daray.

Todobaadkii hore, madaxwaynaha ayaa xariga ka jaray keydka shidaalka ee garoonka diyaaradaha Garowe, oo ay hirgeliyeen ganacsato.

"Maal-gelinta noocaan ah horey loogama baran ganacsatada Soomaalida…waxaana ku boorineynaa in ay sii wadaan," ayuu daba dhigay.

– Duulimaadyo badan –

Hogaamiyaha maamulka 20-sano jirka ah ayaa sheegay in xukuumadiisa hiigsaneyso in duulimaadka garoomada diyaaradaha Puntland ay bataan.

Deni ayaa hoosta ka xariiqay in hiigsigaasi ay gaari doonto xukuumadiisa goorta la hagaajiyo nidaamka madaarada, taasoo soo jiineysa duulimaadyo caalami ah.

"Waa la xalin doonaa tabashooyinka jira…hadii uu ALLE ka dhigo kahor xagaaga ayaan isku deyi doonaa in aan wax ka qabano," ayuu daba dhigay.

Madaxwayne Deni oo la doortay 8-dii Janaayo 2019, ayaa mid kamid ah ol'olalaha ku galay doorashada waxaa qayb ka ah kobcinta dhaqaalaha, difaaca wadanka iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, kuwaasi uu rajo ka muujiyay in ku guuleysto.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM