Nabadoon xalay lagu dilay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Kooxo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa xalay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ku dilay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi Jiray, Maxamuud Jaamac Diirshe (Farey).

Lama oga cidda ka dambaysay arrintan iyo sababta loo dilay nabadoon Farey oo kamid ahaa shakhsiyaadka fir-fircoon ee gobolka Mudug.

Dilka ayaa ka dhacay xalay fiidkii Qaybta Waqooyi ee magaalada Galkacyo, halkaasoo todobaadkii hore lagu dilay sarkaal katirsanaa ilaalada Madaxweynaha Puntland.

Kooxihii weeraradaas gaystay ayaa dhammaantood baxsaday iyadoo aysan jirin cid loo soo qabtay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug iyo guud ahaan xukuumadda.

Magaalada Galkacyo oo ay kataliyaan labo maamul ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal madax duubasho ah oo aan la aqoonsan cidda ka dambaysa.

Horay waxaa sidaan oo kale gudaha magaalada loogu dilay mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad kamid ahaa hal doorka bulshada.

Xaaladda magaalada ayaa sidoo kale ah mid dagan, waxaana xalay ka curtay roobkii gu’ga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM