Nabadoonada gobolka Nugaal oo taageeray go’aamadii Isimmada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Kulan ay maanta isugu yimaadeen nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa waxaa looga hadlay go’aamadii ay soo saareen Isimmada Dhaqanka Puntland ee ku saabsanaa doorashooyinka.

Nabadoonada ayaa soo dhaweeyay go’aamada ay soo saareen Isimmada, waxa ayna ballan qaadeen in ay gulin doonaan, iyaga oo ku adkaystay in Isimmadu ay Marjac yihiin.

Waxay ugu baaqeen madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Siciid Deni in uu aqbalo go’aamada Isimmada.

Isimmada Dhaqanka Puntland ayaa soo saaray go’aamo xal u noqon kara xiisada siyaasadeed ee ka taagan Puntland, iyaga oo soo jeediyay in loo laabto doorashadii 66dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM