Nabadoonada gobolka Nugaal oo taageeray go’aamadii Isimmada

Image

GAROWE, Soomaaliya - Kulan ay maanta isugu yimaadeen nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Nugaal ayaa waxaa looga hadlay go’aamadii ay soo saareen Isimmada Dhaqanka Puntland ee ku saabsanaa doorashooyinka.

Nabadoonada ayaa soo dhaweeyay go’aamada ay soo saareen Isimmada, waxa ayna ballan qaadeen in ay gulin doonaan, iyaga oo ku adkaystay in Isimmadu ay Marjac yihiin.

Waxay ugu baaqeen madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Siciid Deni in uu aqbalo go’aamada Isimmada.

Isimmada Dhaqanka Puntland ayaa soo saaray go’aamo xal u noqon kara xiisada siyaasadeed ee ka taagan Puntland, iyaga oo soo jeediyay in loo laabto doorashadii 66dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM