Nicholas Kay oo Puntland ugu baaqay inay sii dayso Deparani

Image

24 November, 2015(GO)-Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Somalia Nicholas Kay oo maanta ka qayb galay shirweynaha ee warbaahinta kaasi oo ka furmay magalada Muqdishu, ayaa ku baaqay in maamulka Puntland sii daayo Wariye Jaamac Yusuf Deparani oo muddo lix bari ku xiran magalada Garowe.

Nicholas Kay, ayaa sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo qaanuunka u dagan dalka iyo xirriyadda qofku leeyahay.Saxaafadda ayuu ugu baaqay inay dhankooda ilaaliyaan dastuurka dalka.

Goobta hadalkan uu ka jeediyay danjiruhu, waxaa ka socday shir hal maalin, waxaana ka qayb galay mas'uuliyiin ka socota maamul goboleedyada, wariyaal iyo xubno ka socda dowladda Federaalka oo shirkaasi marti galisay.

Sida ay baahiyeen saxaafadda Muqdishu, waxaa Puntland kulankaasi uga qayb galay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel.

Kay, ayaa sidoo kale goobta ka cadeeyay kulankan inuu noqon doono kii ugu dambeeyay ee ka qayb galayo maadaama xilkiisa dhammaday, Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon soo magacaabay badalkiisa oo u dhashay dalka Ingiriiska.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM