Nicholas Kay: Somalia iminka ma ahan dal guuldarreystay

Image

Kay ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Dec 22, 2015 (VOA)- Sarkaalka ugu sarreeya ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in dalka Somalia uusan hada aheyn waddan guuldareystey balse uu yahay wadan bur bur ka soo kabanaya.

Nicholas Kay, ergeyga xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Somalia, ayaa sheegey in saddexdii sano ee u dambeysey wadanka la xasiliyey balse ay wali howl badani harsan tahay.

Kay ayaa sheegey in kooxda xagjirka Somalia ee Al-Shabaab aysan ku guuleysaneynin in ay iska indha tiraan horumarka la gaarey balse waxa uu xusey in doonista qaar ka mida kooxdaasi in ay ku biiraan ISIS ay tahay walaac dhab ah.

Nicholas Kay, ayaa xafiiska QM ee Soomaaliya ka tagaya dhammaadka bishan, waxaana lagu beddelay Michael Keating.

VOA

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM