Nicholas Key oo la badaley, booqasho uu ku imanaayo Puntland

Image

18 Nov, 2015 (GO)- Ergeyga Qaramada midoobey u qaabislan wadanka Somaia Nicholas Key ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in la badaley.

Nicholas Key oo xilkaan xoghayaha qaramada midoobey u magacaabey u magacabey xilkaan 29 April, 2013  ayaa xilkaan kala wareegey  Augustine Mahiga 3 June, 2013.

Lama oga qof lagu badaley wakiilka qaramada midoobey ee Somalia balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ka imaan doono dhalasho ahaan dalka Ingriiska.

Wakiilka qarmada midoobey ayaa la filayaa inuu booqashooyin ku kala baxsho qaybaha kala duwan ee Somalia isagoo maanta soo gaaraya maamulka Puntland halkaas kula kulmi doona madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa ergeyga qaramada midoobey ugu sameyn doona caawa casho sharaf halkaas oo la filayo iney kasoo qayb galaan xubno ka tirsan xukumadiisa.

GAROWEONLINE.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM