Maxamed Cawale Liiban oo guryo looga haysto Galkacyo [Dhagayso]

Image

15 September, 2015(GO)-Saleebaan Maxamed Cawaale Liibaan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Garowe ayaa sheegay in guryahoodii sharci darro looga haysto magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guryahan waxaa ku haysta qaar ka mid ah eheladiisa sida uu shaaciyay Saleebaan.

Waxa uu sheegay inuu Puntland yimi 2014-kii si dayactir ugu sameeyo guryo ay ku lahaayeen degmada Galkacyo, balse nasiib darro loo sheegay inuusan guryahan lahayn.

Saleebaan waxa uu tilmaamay inuu kala kulmay hawl adag qaabkii loogu soo celin lahaa guryahan, illaa ay xukmiso Maxkamadda darajada koowaad iyo qaar ka mid ah culimaa'udiinka Galkacyo lahaanshaha guryihiisa, balse caqab ku noqotay Maxkamdda sare ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayuu tilmaamay inuu ogaysiiyay dhibka uu ka maray hantidooda,sidaa darteena Madaxweyne Gaas amray in la siiyo shuruud la'aan, laakiinse amarkaasi shaqayn waayay.

Dhib iyo hawl ka dib waxa uu sheegay in guryahiisa hortaagantahay Maxkamadda sare ee Puntland taasi oo amartay inuu dib ugu laabto hawlo ay soo dhammeysay Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug.

Saleebaan waxa uu dhawaan tagay magalada Muqdisho si uu soo helo guryo ay ku lahaayeen, waxaana uu xusay in si wanaagsan loo soo dhaweyay hantidoodiina loogu celiyay.

Saleebaan waxaa dhalay Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa ninkii hindisay calanka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM