Maxamed Cawale Liiban oo guryo looga haysto Galkacyo [Dhagayso]

Image

15 September, 2015(GO)-Saleebaan Maxamed Cawaale Liibaan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magalada Garowe ayaa sheegay in guryahoodii sharci darro looga haysto magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guryahan waxaa ku haysta qaar ka mid ah eheladiisa sida uu shaaciyay Saleebaan.

Waxa uu sheegay inuu Puntland yimi 2014-kii si dayactir ugu sameeyo guryo ay ku lahaayeen degmada Galkacyo, balse nasiib darro loo sheegay inuusan guryahan lahayn.

Saleebaan waxa uu tilmaamay inuu kala kulmay hawl adag qaabkii loogu soo celin lahaa guryahan, illaa ay xukmiso Maxkamadda darajada koowaad iyo qaar ka mid ah culimaa'udiinka Galkacyo lahaanshaha guryihiisa, balse caqab ku noqotay Maxkamdda sare ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayuu tilmaamay inuu ogaysiiyay dhibka uu ka maray hantidooda,sidaa darteena Madaxweyne Gaas amray in la siiyo shuruud la'aan, laakiinse amarkaasi shaqayn waayay.

Dhib iyo hawl ka dib waxa uu sheegay in guryahiisa hortaagantahay Maxkamadda sare ee Puntland taasi oo amartay inuu dib ugu laabto hawlo ay soo dhammeysay Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug.

Saleebaan waxa uu dhawaan tagay magalada Muqdisho si uu soo helo guryo ay ku lahaayeen, waxaana uu xusay in si wanaagsan loo soo dhaweyay hantidoodiina loogu celiyay.

Saleebaan waxaa dhalay Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa ninkii hindisay calanka Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM