​Oday Jeey "Xoogaygii wuxuu ku baxay difaaca dalka, mana jirto cid isoo xasuusatay"

Image

GAROWE- Maxamud Xirsi Jeey, wuxuu kamid yahay reer guuraaga ay saamaysay abaarta ba'an ee ka jirta gobollada Puntland, balse waxaa u sii dheer inuu ku kaliyaystay xaaladan oo uusan haysan cid gacan qabata islamarkaana ka caawisa maaraynta nolosha qoyska, waraabinta xoolaha iyo howlaha kale ee Miyiga. Waxaana duruuftani haleeshay markii uu wiilkiisa ku waayay difaaca Puntland.

Oday Jeey oo la hadlay Radio Garowe iyo Jubbaland TV oo u kuurgalay xaaladda rasmiga ah ee reer guuraaga, ayaa sheegay inuusan maanta haysan ciidan gacan qabta isagoo da'diisa ku sheegay sanadii 90-aad.

"Xoogaygii wuxuu ku baxay difaaca dalka, aniguna sagaashan ayaan jiraa oo waa dhaamin waayay, dad iyo duunyana harraad, biyo la'aan, macaluul  iyo cuno la'aan ayaa nahaysa, waxaan ka codsanayaa dowladaha iyo caalamka inay nasoo caawiyaa," Sidaasi waxaa yiri Oday Jeey.

Maxamud Xirsi, waa uu sii hadlay isagoo indhihiisa illin iyo calool xumo ka muuqato, wuxuuna dareensiiyay bulshada iyo dowladdaba inuu waayay garab muhiim ah oo ku tiirsanaa isagoo xusay in waxyaabihii uu wiilkiisa u qaban jiray maanta aysan cidna kafaala qaadin.

"Wiilkaygu wuxuu ii qaban jiray markay saas oo kale tahay iyo markii ay barwaaqo tahayba oo haatan la roonyahayba; Raashinka iyo cunnada iyo kabta iyo karinta iyo biyaha, intaas ayuu iigu qaybsanaa, dabadeedna hadii ILLAHAY ku roonyahay cid i fiirisa ma arag. Raali baan uga ahaa inuu dalka iyo bulshadaba difaaco, oo waa la ogaa," Ayuu hadalkiisa raacshay.

Dowladda iyo cid kasta oo codkiisu gaaro ayuu ka codsaday inay ka samirsiiso wiilkiisa oo ay wax u qabato, isagoo sheegay in haatan lagu jiro xaalad adag oo uusan reerka ka saari karin.

"Jiilaal baa lagu jiraa, ma xasuusteen hadii maanta nafi ku jirto, balse waxaana ka codsanayaa cid kastoo i dhagaysanaysa inay nasoo caawiyaan oo biyo nasoo gaarsiiyaan, ILAAH baa deeqda bixiyee," Ayuu yiri Maxamud Xirsi.

Wuxuu sheegay inaysan duunyada uu haysto iib lahayn islamarkaana gacanta ugu jirin, hanti kale oo ku bad-baadiyo dadka iyo duunyada ku sugan marxaladda adag.

Oday Maxamud Xirsi "Jeey", ayaa arrintan ka hadlay xilli uu usoo dhaamiyay reerkiisa islamarkaana ka muuqatay duruuf adag iyo ciidan darro xooggan, waxaana uu ku sugnaa goob abaar iyo biyo la'aan xooggan kajirto oo kamid ah gobolka Nugal.

Dowladda Puntland, ayaa horay u sheegtay inay kafaalo qaadayso qoysaska ay kasoo jeedeen ciidamadii ku geeriyooday difaaca dalka, waxaase muuqata inaysan jirin cid wali wax loo qabtay iyo goob lagu hadal hayo xaaladooda.

Dhinaca kale, waxaa laga halis ku jirta nolashada dadka ku dhaqan gobollada Puntland, kadib abaar iyo biyo la'aan xooggan oo soo wajahday, waxaana goobaha warbaahinta qaybteed booqatay kasoo wariyeen xaalad aad u halis badan iyo duunyadii badi dhammaatay dadkana loo baqsanyahay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ODAY MAXAMUD XIRSI JEEY

KALA XIRIIR HADII AAD CAAWINAYSO- 00252907207987

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM