Odoyaasha gobolka Nugal oo diiday 4.5 [Dhagayso]

Image

16 December, 2015(GO)-Odoyaasha gobolka Nugal ayaa maanta isugu yimi kulan looga hadlay xaaladda Somalia iyo hiigsiga 2016 kaaso shir ku saabsan madaxda Somalida uga socday magalada Muqdishu.

Waxgaradka ayaa tilmaamay inaysan doonayn ku laabashada habka qabaliga ah ee 4.5, waxayna madaxda Somaliyeed u soo jeediyeen nidaamkaasi inuu Somali burbur iyo dib u dhac u soo jeedayo. Waxay taageereen aragti uruurintii laga sameeyay deegaanada Puntland.

Soo xulista Xildhibaanada imaan doona ayaa waxgaradku sheegeen in lagu saleeyo habka deegaanka, taaso ku macneeyeen inay tahay maslaxadda shacbiga Somaliyeed. Dadka ku dhagan qaadashada nidaamka laga soo gudbay ayay ku tilmaameen kuwa leh dano shakhsiyadeed iyo kulaabashada KMG-nimo.

Beesha caalamka ayay Odoyaashu ugu baaqeen inay ka digtoonaado u hogaansanka nidaamka 4.5, maada goob joog ka ahayd shirarkii ka dhacay Puntland ee looga gudbay habkaasi.

Kulanka waxgaradka ayaa ku soo beegmaya xilli uu fashil ku soo dhammaaday shir madaxda Somalida uga socday magalada Muqdishu, waxaana qaybo ka mid ah magalooyinka waaweyn ee Puntland lagu arkayay baabur lagu soo xardhay "Qaadanmayno 4.5".

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM