Ololaha wacyigelinta Coronavirus ee degaanada Puntland oo la xoojinayo

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada.

Warbixinnada laga dhageystay ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada , gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga.

Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM