Olole nadaafadeed oo Garowe ka bilowday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

22 Octobar, 2015(GO)-Olole nadaafadeed ayaa laga wada dhammaan xaafadaha Garowe, waxaana qashinka lagu gurayaa dhammaan xaafadaha magalada.

Barnaamijkan oo ah iskaa wax u qabso ayaa waxaa hogaaminaysa dowladda hoose ee degmada Garowe, waxaana saaka waabarigii la bilaabay howshan oo socon doonta shan bari.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ka hadlay hawshaasi ayaa tilmaamay in degmadu ku bixin doono abaal marin dhaqaale iyo mid qalab xaafaddii muujisa fir-fircooni dheeriya.

"Nadaafadu sidii hore inay ahaato ma rabno, waaxaan doonaynaa in magaladu nadiif ahaato, waxaana maamul ahaan naga go'an inaan magalada ka shaqayno bilicdeeda, ciddi lagu arka iyadoo meel xun qashin dhigaysa tallaabo sharci ah ayaan ka qaadaynaa"Ayuu yir Goodir.

Qashinka ayaa la gaynayaa meelo ka baxsan magalada, waxaana dowladda hoose ee Garowe ka digtay inaan laga digtoonaado nadaafadda darada iyo waxyaabaha caasumadda u keenaya bilic xumada.

Maamulka ayaa Ololaha ka hor sameeayay wacyi galin iyo shirar ay la galeen Gudoomiyasha xaafadaha Garowe.

Arrintan ayaa la filayaa inay wax ka badasho bilicda caasumadda Garowe xilli lagu guda  jiraa waqti Roobaadka dayrta, inkastoo caasumadda Puntland weli Roobsan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM