PDRC soo saartay baaq ku wajahan Gaalkacyo

Image

Hay'adda horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) ayaa maanta oo Isniin ah soo saartey baaq ku wajahan xiisada ka taagan magalada Gaalkacyo, taasoo u dhaxaysa Puntland iyo Gal-Mudug.

Madaxa PDRC Mudane Cali Faarax Farmayeeri ayaa sheegay hay'addu inay ka xun tahay dagaalka ayna ku baaqayaan in nabadda laga wada shaqeeyo iyo daris wanaagan.

Qoraalka Hay'adda ayaa lagu yiri ''xaruntu waxa ay ugu baaqeysaa bulsahda reer Gaalkacyo iyo maamulladdaba in ay nabadda fursad siiyan, una hiiliyaan dadaallada loogu jiro nabadda, iyaga oo u dhaga-nuglaanaya,gacana ku siinaya sama-jecelayaasha usoo gurmaday in gacanta ka geystaan nabadda''.

Sidoo kale PDRC ayaa sheegtay inay muuqato ifafaalo nabadeed iyo daaallo xooggan oo loogu jiro xakameynta colaada iyo xal-u-hellida nabad waarta oo ka hirgasha mandiqadda guud ahaan.

Hay'addan ayaa mudo si gaar ah waxay uga shaqaynaysay nabadda iyo wacyi galinta shacabka sida isku xirkooda, wuxuuna baaqooda nabadeed kusoo aadayaa xilli magalada Gaalkacyo ku wada sugan yihiin Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, madaxda mamulada dalka waxaana lagu wadaa in go'aamo wax ku ool ahi soo baxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM