PL oo mar kale Somaliland ku eedeysey inay taageerto Al-shabab

Image
Image
Image
Image
Image

February 8, 2015 (GO)- Dowlada Puntland ayaa mar kale ku eedeysey maamulka Somaliland in uu taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiyo kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraleyda Golis.

Saraakiisha ugu sarreysa booliska Puntland oo maanta si wadajir ah shir-jaraa'id magaalada Bosaso ugu qabtey ayaa sheegay in lacagta shilinka Somaliland laga helay jeebabka xubno ka tirsan Al-shabaab oo xalay lagu soo qabtay hawgal boolisku sameeyeen kadib markii ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ciidan.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen inaysan ahayn markii ugu horeysey ee ciidamada Puntland gacanta ku dhigaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo sita lacagta laga isticmaalo Somaliland.

Puntland ayaa dhowr mar oo hore ku eedeysey Somaliland inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso kooxaha Al-shabaab ee fadhigoodu yahay buuraha Golis. Somaliland ayaa ka jawaabtey eedeymaha uga imaanaya dhanka Puntland waxay ku tilmaantey kuwa aanay waxba ka jirin oo lagu marin habaabinayo indhaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM