PL oo sheegtay in shirka Cadaado baal marsan yahay dastuurka

Image

June 18, 2015 (GO)- Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta isugu yimid shirkoodii todobaadlaha ahaa ayaa ka hadlay shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe magaalada Cadaado ka socda.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa shirkaas ku tilmaamay mid dastuurka baal marsan islamarkaana horseedi doona colaad sokeeye oo kasoo cusboonaata gobollada dhexe.

Ergooyinka Cadaado ku shirsan ayaa shalay ansixiyey dastuurka maamulkaasi ku shaqeyn doono kaasoo dhigaya in xuduudda waqooyi ee maalmulka gobollada dhexe ku egtahay gobolka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM