PUNSAA oo dooranaysa Guddoomiye

Image

GAROWE, Puntland- Dalladda ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee ka jira Puntland, ayaa maanta dooranaysa guddoomiye cusub maadama uu dhammaaday muddo xileedkii Nuur Shire Cusmaan oo booskan horay usoo hayay.

Doorashada ayaa iminka ka socota xarunta PDRC ee magaalada Garowe, waxaana ka qayb galaya Ergooyin lagasoo xulay hay’adaha ku bahoobay dalladda.

Waxaa booskan u sharaxan saddex murashax oo kala ah; Faysal Qaran, Nuur Shire Cusmaan iyo Maxamed Muuse Maxamed.

Golaha guud oo ka kooban 99 Xubnood ayaa Codka dhiibanaya.

Loollan xoog leh ayaa socda waxaana murashax kasta isku dayayaa inuu ku guulaysto booskan.

Faah faahint dib ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM