​PUNSAA oo ka hadashay xarigga Radio Daljir

Image

GAROWE- Guddoomiyaha dallada ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Nuur Shire Cismaan oo maanta warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe, ayaa walaac xooggan ka muujiyay xarigga Idaacada Daljir oo maalintii labaad hawada ka maqan.

Shire, wuxuu sheegay in saxaafaddu howl adag u hayso dalka iyo dadkaba, isagoo ku baaqay in la joojiyo xad gudubyada lagu hayob warbaahinta islamarkaana la dhawro xuquuqda caalamiga ah ee hadalka.

Wuxuu intaasi ku daray in dalka sharci iyo nidaam ka jiro, sidaas darteed aan loo baahnayn handadaad iyo lagu tunto dastuurka.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID EE GUDDOOMIYAHA DEGMADA PUNSAA NUUR SHIRE CUSMAAN

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM