PUNSAA oo walaac ka muujisay xaaladda Puntland

Image

GAROOWE, Puntland- Dalladda ay ku midaysanyihiin ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA), ayaa walaac xoog leh ka muujiyay xaalada Puntland gaar ahaan mida ay ku suganyihiin shacabka ku nool goobaha colaaddu ka jirto iyo magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed kasoo baxay Dalladdan ayaa lagu sheegay in PUNSAA, ay ka xuntahay dhibaatada soo wajahday dadkii ka barakacay gobolka Sool, kuwaasoo ay sheegeen inay la soo daristay nolol xumo iyo dhibaato bini-aadanimo, iyagoo intaas ku daray in bulshadaas u baahantahay Kaalmo deg deg ah.

PUNSAA, waxay sidoo kale ka digtay abaar kusoo wajahan Puntland iyo sida xaalku noqon karo iyagoo sheegay inuusan Kalkii hore Roobkii dayrta si wanaagsan uga hoorin qaybo kamid ah gobollada maamulkan, waxayna lagama maarmaan ka dhigeen in dowladdu il gooni ah ku eegto arrintaas iyo sidii looga tabaabushaysan lahaa.

Qoraalkan, waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay dedaalka ay wadaan shacabka Boosaaso ee ku aadan bad-baadin Doontii ku caariday Dekedda Boosaaso, waxayna sheegeen in xukuumadda looga fadhiyo qorshe ku aadan markii masiibo caynkan ah dhacdo sidii loo furdaamin lahaa.

Dhinaca kale PUNSAA, ayaa soo dhawaysay dedaalka ay wadaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan hirgalinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo u diyaarinta dalka in doorasho qof iyo cod ah dhacdo 2020/2021.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulkan uu wajahayo dhibaatooyin ka taagan gobolka Bari iyo Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM