​Puntland: 43 katirsan Al Shabaab oo dil toogasho lagu xukumay [Dhagayso]

Image

GAROWE- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 43 ruux oo katisan ururka Al Shabaab kuwaas oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug ee Puntland.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdullaahi Xirsi Cilmi (Cali Barre), oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in 43-daasi qof qirteen dambiyada loo haystay islamarkaana maxkamadda ka hor caddeeyeen inay kamidyihiin ururka Al Shabaab.

Cali Barre, wuxuu tilmaamay in dadkaasi la xukumay qayb ka ahaayeen 97 qof oo dagaallo lagusoo qabtay, kadib markii ay kasoo dageen xeebaha Puntland horraaantii sannadkan wuxuuna inta hartay ku sifeeyay kuwo buuxin waayay da'da qaan-gaarnimada, isagoo sheegay inay u samayn doonaan dhaqan celin oo ay u qabteen culimaa'udiin.

Dadka la xukumay ayuu sheegay inay mari doonaan heerar kala duwan islamarkaana u furantahay racfaan isagoo sheegay inay go'aanka ugu dambeeyay ee toogashada isla leedahay dowladda Puntland, wuxuuna intaasi raaciyay inay u qabteen qareeno difaacayay.

Xabsiyada Puntland, waxaa ku jiray maxaabiis aad u badan oo loo haysto kiisas kala duwan, waxaana maxkamadayntan lagu soo beegay wax yar uun kadib markii madaxweynaha Puntland ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan kooxda Al Shabaab isagoo ku goodiyay inay lanyn doonaan dhammaan maxaabiistooda ku jira xabsiyada haddii aysan joojin dilalka ay la beegsanayaan haldoorka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM