7 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Puntland [Dhageyso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-7 qof ayaa ku dhimatay inta la hubo shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar.

Dhaacawa ayaa la sheegay inay gaarayaan 40 ruux, waloow Soddon iyo labo ka mid ah soo gaari dhaawac fudud lagana saaray xarumo caafimaad oo la geeyay.

Dadka dhibku soo gaaray ayaa ahaa muhaajiriin u dhashay dalka Ethopia kuwaasi oo ku sii jeeday degmada Bosaso ee gobolka Bari.

Maamule ku-xigeenka cusbitalka Bosaso Maxamed Axmed Xuseen oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 40 qof oo dhaaca, lix ka mid ah dadkaasi ayuu sheegay in xaaladoodu liidato halka Soddon iyo laba qof qabay dhaawac fudud laga saaray cusbitalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilka ka dambaysay balse mid ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa sheegay in rarka laga badiyay oo la saaray in ka badan 120 qof.

Qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ethopia ayaa tiradoodu noqotay mid sii badanaysay, waxayna inta badan ka raacaan doonyo magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, xilli la Puntland sheegayso in la joojiyay tahriibka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM