7 qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Puntland [Dhageyso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-7 qof ayaa ku dhimatay inta la hubo shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qardho ee gobolka Kar-kaar.

Dhaacawa ayaa la sheegay inay gaarayaan 40 ruux, waloow Soddon iyo labo ka mid ah soo gaari dhaawac fudud lagana saaray xarumo caafimaad oo la geeyay.

Dadka dhibku soo gaaray ayaa ahaa muhaajiriin u dhashay dalka Ethopia kuwaasi oo ku sii jeeday degmada Bosaso ee gobolka Bari.

Maamule ku-xigeenka cusbitalka Bosaso Maxamed Axmed Xuseen oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay 40 qof oo dhaaca, lix ka mid ah dadkaasi ayuu sheegay in xaaladoodu liidato halka Soddon iyo laba qof qabay dhaawac fudud laga saaray cusbitalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilka ka dambaysay balse mid ka mid ah rakaabkii la socday gaariga ayaa sheegay in rarka laga badiyay oo la saaray in ka badan 120 qof.

Qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya Ethopia ayaa tiradoodu noqotay mid sii badanaysay, waxayna inta badan ka raacaan doonyo magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, xilli la Puntland sheegayso in la joojiyay tahriibka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM