Puntland: Agaasimaha Radio Garowe oo soo dhoweeyey in Daljir la fasaxo, baaqna direy

Image

GAROWE- Axmed Cawil Jaamac oo ah Agaasimaha  Radio Garowe, xubin firfircoona ka ah xubnaha GA-ga ee ururka MAP ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir ayuu ku sheegay in xukuumadda Puntland looga baahanyahay Dastuurka in ay xurmayso.

Axmed Cawil ayaa yiri "Waan ku faraxsanahay in Daljir lasiidaayo, waxay arrintaan ku fiicnahayd in sharciga ay xukuumaddu adeegsato, balse waxaa reer Daljir iyo MAP looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan sidii Mag-dhow Daljir loogu samayn lahaa, waayo 12 bari ayay xirnayd, samcadeedii xattaa waa la dilay, waase in haddii xukuumaddu sharcigii baalmartay ay Daljir sharciga adeegsataa" Agaasime Axmed Cali waxaa uu sheegay in aysan shaqada warbaahinta waxba u dhimaynin xariga xarumaha warbaahinta loo gaysto, waxaa uu hadalkiisa raaciyay in haddii idaacad la xiro, idaacad kale ay baahinayso adeegii ka bixi-jiray hay'adda la xiray, waxaa uu ugu dambayn shaaca ka qaaday in hanjabaadii Wasiir Soocade ay sharciga la tiigsan-doonaan, baarlamaanka Puntland.

DHAGEYSO HADALKA AGAASIMAHA IDAACADA RADIO GAROWE 

Xigasho: Daljir

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM