Puntland: Al-Shabaab oo deegaano kale gaaray

Image

Mallayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab oo ilaa shalay galinkii dambe ku sugnaa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, ayaa saaka halkaasi isaga baxay siday noo xaqiijiyeen goob joogayaal kusugan deegaanka.

Kooxdan ayaa u dhaqaaqday dhanka xeebaha gobolka Nugal, iyagoo lagu arkay goobo katirsan degmooyinka Eyl iyo Godob-Jiraan.

Mallayshiyaadkan oo hubaysan ayaa wararku sheegayaan inay dadka reer miyiga ah weydeen tilmaamaha qaybo kamid ah bartilmaameedkooda, waxaana la sheegay inaysan wax waxyeelo ah u gaysanayn shacabka ay la kulmayaan.

Gudoomiyaha degmada Godob Jiraan Yusuf Maxamed Farax oo la hadlay Radio Garowe, ayaa xaqiijiyay in kooxdaasi soo gaareen degmada isagoo xusay inay tageenn ceel reer guuraagu ka cabaan iyagaoo dadkii halkaasi ku sugnaa ka qaatay dhammaan taleefoonadii ay wateen.

Wuxuu sheegay inay dadka deegaanku ku warameen in mallayshiyaadka arkeen gaarayaan ilaa 450 hubaysan.

Dhinaca kale warar aan ka helayno degmada Eyl ayaa sheegaya in kooxo hubaysan gaareen deegmadaasi qaybo kamid ah.

Warar kale oo ilaa hadda la xaqiijin ayaa sheegaya in mallayshiyaad kale soo gaareen degmada Garacad gobolka Mudug.

Wixii wararkaasi kasoo kordha dib ayaan idiin kasoo gudbin doonaa

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM