Puntland: Askar dhaawac ah ee la geeyey Ethiopia oo daryeel la'aan sheeganeysa

Image

ADIS ABABA, Ethiopia- Warsidaha Garowe Online ayaa waxaa soo gaarey cabasho ka imaaneysa qaar ka tirsan dhaawacyadii gaarey Askar ka tirsaneyd ciidamada Daraawiishta Puntland kuwasoo difaacayey kooxihii Al shabaab ee ku soo duuley xeebaha Puntland.

Askartaan waxaa kamid ah Siciid Daahir oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland ee ka qayb galey howlgalkii loogu magac darey Danab kaasoo ka dhacey inta dhaxeysa Degmada Godob Jiraan iyo Garacad waxaana kasoo gaarey dhaawac halis ee madaxa ah.

Qaylo dhaantaan ku wajahan madaxda Puntland iyo taliska sare ee ciidamada Daraawiishta ayaa waxaa warsidaha Garowe Online soo gaarsiiyey qaar ka tirsan ehelada askarigaan oo ku sugan magaalada Adis Ababa.

Ehelka Askarigaan ayaa sheegaya in askarigaan muddo Labo bilood ah ku hayaan Isbitaal kuwa lacagta ah islamarkaana wax tageero ah uusan ka helin dalkii iyo dowlada Puntland uu naftiisa u hurey.

Qoraalkaan soo gaarey warsidahaan islamarkaana aan xaqiijiney ayaa sheegaya in mudadii labada bilood aheyd ee dhaawaca Siciid Daahir lagu hayey Isbitaalka magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Puntland booqasho labo jeer ah ku yimid dalka Ethiopia balse uu ka gaabsadey inuu wax ka bixiyo kharashka lagu daaweynayo Mujaahid Daahir.

Qoyska askarigaan ayaa ka cabanaya in Madaxweynaha Puntalnd ku booqdey Siciid Daahir Isbitaalka uu kaga jiro magaalada Addis Ababa balse uusan la socon waxqabad dhab ah iyaga oo u arkey in saxaafada la tusayey muqaalkaan oo kaliya.

Warsidaha Garowe Online oo la xiriirey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa noo sheegey in dhaawaca askarigaan lagu qaadey diyaarad Madaxweyne Gaas keentey magaalada Garowe maalin kadib markii dagaalkii Garacad dhamaadey balse ka gaabsadey iney tafaasiil dheraad ah na siiyaan.

Sarkaal ka gaabsadey magaciisa oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ayaa noo sheegey in taliska ciidanka uusan laheyn dakhli gooni ah ay ku daaweeyaan dhaawaca Askarta balse arinkaan ay qaabilsan tahay xukuumada iney daboosha lacagta ku baxeysa daaweyntooda.


Hadaad rabto Inaad la xiriirto si aad u caawinto Siciid Daahir oo xaaladiisa caafimad aad u xuntahay waxaa kala xiriiri kartaa Ninka  magaaciisa la yiraahdo Abdirizak Gamure 00251929320850 Halka numberka Viber uu yahay 00252907799564.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM