​Puntland: Askar lagu qisaasay Garowe

Image

GAROWE- Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee Puntland Cabdikariin Xasan Firdhiye oo Radio Garoowe la hadlayay ayaa faah-fahin ka bixiyey dil maanta lagu fuliyey labo askari oo katirsana ciidamada qalabka sida ee Puntland, kuwaas oo dilal u gaystay labo askari oo ciidamada Puntland kamid ahaa.

Xeer ilaaliyuha ayaa magacyada askarta latoogtay ku sheegay; Siciid Cabdullaahi Ashkir oo katirsanaa ciidanka madaxtooyada Puntland ee Garoowe, kaas oo dilay marxuum la oran jiray Yaasiin Maxamed Cumar iyo Saleemaan Siciid Xasan (Saleebaan Tooyo) oo isna dilay Marxuum lagu magacaabi jiray labo xidigle Siciid Cabdiqani Jaamac oo katirsana ciidanka Booliska Puntland.

Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ayaa debniilayaashan ku riday xukunka dilka ah sida xeer ilaaliyuhu sheegay, waxaana xukunka askartan loo gudbiyey Madaxweynaha Puntland oo leh go'aanka u danbeeya ee fulinta.

Gaas ayaa ogolaaday in la toogtay raggan toogashada gaystay, waxaana galinkii hore maanta lagu qisaasay caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM