Puntland: Askar lagu toogtay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland- Mallayshiyaad hubaysan oo aan haybtooda la aqoon ayaa goordhaweyd toogasho ka fuliya goob aad u mashquul badan oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, dilka waxaa fuliyay niman ku hubaysnaa Bastoolado, kuwaaso fakaday dilka ka dib.

Toogashadaas waxaa ku dhintay labo kamid ah ciidamada Canshuuraha Puntland, kuwaasoo ku sugnaa bartamaha magaalada Boosaaso.

Wararka uu falkaas ka helayo Garowe Online ayaa, ayaa tilmaamaya in dilku u dhacay qaab gaadmo ah, xilli wadadu ahayd mid mashquul badan.

Maydadka labada marxuum ayaa la geeyay Cisbitalka guud ee magaalada Boosaaso, waxaana goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland, kuwaasoo baaritaano ka sameeyay nawaaxiga halka weerarku ka dhacay.

Saraakiisha amniga iyo dowladda Puntland wax war ah kama soo saarin dilka Askartaas oo shaqo ku guda jiray xilliga weerarku dhacay.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda dilkaas oo kusoo beegmay xilli maalmahan howlgal ay ciidamada ammaanku kawadeen magaalada Boosaaso.

Horay waxaa sidaan oo kale Boosaaso uga dhacay dilal ay gaysteen mallayshiyaad katirsan Al shabaab iyo Daacish kuwaasoo ku sugan gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM