​Puntland: Askar miino la qaraxday

Image

Wararka aan ka helayno buuralayda Galgala, ayaa sheegay in maanta miino la qaraxday ciidamo katirsan daraawiishta Puntland, kuwaasi oo ku sugan buuraha Galgala gobolka Bari.

Labo askari ayaa dhintay, shan kalena, waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana falkaasi dhacay duhurnimadii maanta, xilli ciidamadu doonayeen inay miinadan ka saaraan jid lagu aasay.

Majirto faah-faahin intaasi dheer oo laga helay saraakiisha ku sugan jiida hore ee buuralayda Galgala.

Ilaa hadda kama aysan hadlin xukuumadda iyo saraakiisha ammaanka Puntland.

Dhawaan ayay ahayd markii labo askari buuralayda Galgala miino kula qaraxday waqti roob da'ayay, waxaana falalkaasi kusoo beegmayaan iyadoo ururka Shabaab halkaasi wali ku suganyihiin.

Ciidamo Puntland katirsan ayaa ku leh fariisinno kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM