Puntland: Askari boolis oo lagu xukumay shan sano xarig ah

Image
Shan boqol oo doolar iyo in laga saaro Ciidamada ayaa sidoo kale lagu xukumay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dacwad ku oogay eedysane Dable Aadan Xasan Maxamed oo la sheegay in uu ka tirsan ciidamadda booliska.

Eedaysanaha, Maxamed, ayaa la horkeenay Maxkamada Ciidmadda Qalabka sida iyo Dembiyada Cuulus ee gobollada Bari, Kar-kaar, Gardafuu Sanaag iyo Haylaan

Soo qabashada askariga ayaa ka dambaysay kadib markii uu dadaal dheeri ah ku bixiyay Cornayl Warsame Axmed Shirwac oo ah madaxa Ilaalada Canshuuraha dekeda Boosaaso

G/le Maxamed Xuseen Foodcade, xeer Ilaaliyaha Maxkamada, ayaa ayaa Eedaysanaha ku eedeeyay xatooyo iyo qodbka 241 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed .

Maxkamadda oo eedaysanaha wax ka waydiisay dabiga loo haysto ayaa qirtay in uu galay Xatooyada loo haysto. Maxkamaddu waxay dhegaystay eedaynta Xeer Ilaaliyaha.

Agabkii uu xaday Dable Aadan Xasan Maxamed ayaa la geeyay maxkamadda. Markii uu qirtay in uu dabigaas galay waxay maxkamadda ku xunkantay shan sano xarig ah, 500 boqol oo doolar iyo in laga saaro Ciidamada Booliska Dawladda Puntland.

Xukunka Maxkamada ka dib Agasimaha Furdooyinka Dawladda Puntland, Mahdi Faarax Qambi, ayaa qeybaha kala duwan ee bulshadda ugu baaqay in ay cashuurta la dhuuman oo iska bixiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM