​Puntland: Askari ku dhintay qarax ka dhacay Galgala

Image

BOSASO- Wararka ka imaanaya buurallayda Galgala ee gobolka Bari, ayaa sheegay inuu dhintay hal askari mid kalena dhaawacmay, kadib qarax halkaasi ka dhacay.

Askartan ayaa sida la sheegayo ku wajahnaa magalada Bosaso iyagoo lugaynaya, waxaana ku qarxay miino dhulka lagu aasay  xilli roob uu da'ayay.

Mas'uuliyadda falkan, waxaa sheegatay kooxda Al Shabaab.

Arrintan ilaa hadda kama hadlin saraakiisha amniga iyo xukuumadda Puntland.

Galgala, waxaa ku sugan ciidamo Puntland katirsan kuwaasi oo dagaal kula jira kooxda Shabaab oo muddo halkaas ku dhuumalaysanaysay, waxaana muddooyinkii dambe yaraaday howlgalladii mallayshiyadaasi lagu qaadi jiray, taasi oo sabab u noqotay inay kusoo biirto koox kale oo sheegatay inay katirsantahay Daacish oo hogaamiyo nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin.

Shabaab iyo Daacishta Galgala, ayaa mar hore ku dagaallamay deegaano katirsan gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM