Puntland: Axmad Karash oo ka hadley dhismaha golaha degaanka

Image

July 27,2015 (GO)- Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan "Karaash" oo la hadlay PLTV ayaa sheegay in mudo sadex barri gudahood ku soo dhisayaan golayaasha deegaanka degmooyinka Garowe iyo Bosaaso .

Axmed Karaash waxaa uu qirey in dib u dhac ku yimid xiligii la soo dhisi lahaa golayaasha degmoyinka Garowe iyo Bosaaso isagoo shegeey in ramadaanka dartiis loo soo dhisi waayey.

Karaash ayaa sheegay in dib dhaca ku yimid dhismaha golaha degaanka degmada Garowe dadka qaarkiis si khaldan u fasireen.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegey iney magacabeen gudiyadii kala saarida xubnaha golayaasha degmoyinka Garowe iyo Boosaaso oo khilaafku ka dhexeeyo.

Hadalka Wasiirka arimaha gudaha Puntland ayaa imaanaya xili bulshadu ku nool Puntland  hadal hayso sababaha dib u dhigay dhismaha golaaasha degmooyinka Garowe iyo Boosaaso madaama mudadii 45 casho ee loo qabtey la dhaafey.

Waxgaradka gobolka Nugaal ayaa horey u dalbadey in dowladu fududayso dhismaha golaha degaanka Garowe madaama ay taagan yihiin mashaariicdii horemarineed ee degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM