Puntland: Axmed Karaash oo magacaabay guddoomiyeyaal cusub

Image
Shalay ayay ahayd markii Karaash uu magacaabay guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii Gaalkacayo.

GAROWE, Puntland - Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash] ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magacaabay guddoomiyeyaal degmo, sida uu shaaciyey xafiiskiisa.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayuu u magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed, halka guddoomiyaha degmada Laas-qoray uu u magacaabay Cabdikariin Yuusuf Jaamac.

Sidoo kale, Karaash ayaa maanta wuxuu goobjoog ka noqdey dhaarinta Wasiirka Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha ee dowladda Puntland.

Si lamid ah, waxaa isla goobta lagu dhaariyey Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) 

"Waxaan u rajeynayaa in Eebbe weyne u fududeeyo masuuliyada ay qaadeen, xilkoodana u gutaan si daacadnimo leh," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kooban oo lagu daabacay ciwaankiisa Facebook-ga.

Shalay ayay ahayd markii Karaash uu magacaabay guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhamaan dhaqdhaqaaqyadan uu sameeyay madaxwayne ku xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha Puntland ayaan lagu faafin bogga Madaxtooyadda taasoo dadka qaar su'aallo ka keeneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM