Puntland: Axmed Karaash oo magacaabay guddoomiyeyaal cusub

Image
Shalay ayay ahayd markii Karaash uu magacaabay guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii Gaalkacayo.

GAROWE, Puntland - Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash] ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magacaabay guddoomiyeyaal degmo, sida uu shaaciyey xafiiskiisa.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayuu u magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed, halka guddoomiyaha degmada Laas-qoray uu u magacaabay Cabdikariin Yuusuf Jaamac.

Sidoo kale, Karaash ayaa maanta wuxuu goobjoog ka noqdey dhaarinta Wasiirka Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha ee dowladda Puntland.

Si lamid ah, waxaa isla goobta lagu dhaariyey Wasiiru Dowlaha cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) 

"Waxaan u rajeynayaa in Eebbe weyne u fududeeyo masuuliyada ay qaadeen, xilkoodana u gutaan si daacadnimo leh," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kooban oo lagu daabacay ciwaankiisa Facebook-ga.

Shalay ayay ahayd markii Karaash uu magacaabay guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhamaan dhaqdhaqaaqyadan uu sameeyay madaxwayne ku xigeenka ahna kusimaha madaxweynaha Puntland ayaan lagu faafin bogga Madaxtooyadda taasoo dadka qaar su'aallo ka keeneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM