​Puntland: Bandhig ka furmaya Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa lagu wadaa Khamiista 28 July, 2016 in magaalada Garowe caasumadda Puntland uu ka furmo Bandhig Buug ay kasoo qayb gali doonaan qorayaal Somali iyo Ajnabi isugu ku jira kuwaaso madasha la imaan doona kitaab kala duwan oo ay dalka iyo arrimo dunida ku saabsan ka qoreen.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda iyo shacabka ku dhaqan magaalo madaxda Puntland ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan xilli uu ka qabsoomi doono xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Garowe.

Wuxuu socon doonaa ilaa 31 bishadan iyadoo ay iska kaashanayaa Machadka SIDRA iyo maktabad daabacda buugaagta oo la yiraahdo SCANSOM.

Bandhigan ayaa noqonaya noociisa kii ugu horeeyay ee lagu qabto magaalada Garowe halka sannadkii hore uu ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM