Puntland: Barlamanka oo ansixiyay hishiiska shirkadda CCECC

Image

GAROWE, Puntland- Barlamanka Puntland gaar ahaan guddiyadooda joogtada ah ayaa ansaxiyay heshiiskii ay dhawaan wada galeen dowladda Puntland iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha (CCECC), kaasoo dhigayay in mashaariic hormarineed laga sameeyo deegaanada Puntland.

Heshiiskan ay ansaxiyeen gudiga joogta Baarlamnaka Puntland ayaa qeexaya in Shirkadda CCECC ay dhisi doonto garooonka diyaardaha magaalada Gaalkacyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Eyl iyo Garowe.

Waxaa sidoo kale kamid ah hishiiska la ansixiyay in shirkadan sahamin Shidaal baaris ah ka samayn doonto deegaanada Puntland.

Golaha wasiirada Puntland ayaa asbuucii la soo dhaafey kulankoodii ku ansaxiyey hehsiiskaan.

Barlamanka Puntland, iyagoo ka duulaya in mashaariicdan hormarineed dhakhso loo bilaabo ayay ku dhaqaaqeen hishiiskan ansixintiisa.

Guddiga ayaa dalbaday in Kalfadhiga soo socda ee Barlamanka Puntland la horkeeno hishiiskan oo faah faahsan si Xildhibaanadu uga doodaan.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Onlie, ayaa sheegaya in mas’uuliyiin kasocda dalka Shiinaha oo matalaya shirkaddaas ay imaan doonaan deegaanada Puntland iyagoo wada qalabkii lagu fulin lahaa mashaariicdan.

CCECC, ayaa ahayd shirkaddii dhistay garoonka diyaaradaha Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM