​Puntland: Barlamanka oo ballan qaad u sameeyay wasaaradda beeraha

Image

GAROWE- Afhayeenka Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in mudanayaasha Barlamanka Puntland taageero siinayaan wasaaradda beeraha Puntland, kadib markii maanta magalada Garowe lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayo maalinta loo asteeyay ee ku beegnayd 12 April balse maanta loo dabaal dagay.

Xaashi, ayaa sheegay inay taageero dhanka miisaaniyadda ah u fidinayaa wasaradaasi oo lagu ammaanay dadaal iyo hormar dhanka wax soo saarka ah, waxaana gudoomiyuhu sheegay inay arrintaasi hirgalin doonaan marka loo soo gudbiyo misaaniyadda sannadka dambe.

"Waxaa maanta runtii ballan qaadayaa iyadoo xildhibaanadii ila joogaan qayb kamid ah, qaybta kalena codkooda aan ku hadlayno, hadii alle idmo anaguna sii joogno oo xilka sii hayno inaan wax idin kala qabano dhinac miisaaniyadda,"Ayuu yiri Afhayeenka Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Wuxuu shacabka Puntland usoo jeediyay inay dadaal u galaan qaabkii wax soo saarkaa loo siyaadin lahaa isagoo sheegay inay tahay il dhaqaale oo mudan in kor loo qaado.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo khudbad kasoo jeediyay madasha ku sheegay inuu ku faraxsan yahay wax soo saarka beeraha Puntland isagoo ku ammaanay siday ugu heelan yihiin inay mar walba is-badal muuqda ka sameeyeen.shacabka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM