​Puntland: Barlamanka oo u yeeray madaxweyne ku-xigeenka

Image

GAROWE, Puntland- Baarlamanka Puntland ayaa maanta go'aamiyay inay u yeeraan madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo wax laga weydiin doono arrimo ku aadan xaaladda Puntland iyo gobollada kasii baxaya gacanta dowladda.

Xildhibaanada Puntland oo ku guda jira Kalfadhigoodii 37-aad ayaa maanta diiradda saaray dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Haylaan kaasoo ka dhashay dhaq-dhaqaaqyo maamulka Somaliland ka bilaabay oo ku aadan diiwaangalinta codbixayaasha doorashadooda dhacaysa 2017.

Waxaa arrintaasi Barlamanku u saareen Guddi ka kooban Lix xubnood, waxaana loo xilsaaray lasocodka howlaha amniga iyo qaabkii xukuumaddu wax uga qaban lahayd arrintaasi.

Barlamanka ayaa markii hore qorshahoodu ahaa inay u yeeraan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, balse waxay ugu cudur-daareen xaaladda gobolkaasi iyo howlaha madaxweynuhu ku mashquulsanyahay oo ay kamid tahay dhismaha golaha deeganka degmadaasi.

Camay, ayaa la filayaa in barri Xildhibaanadu weydiiyaan su'aalo la xiriira waxyaabaha ka fulay ballanqaadkoodii  doorashadii 2014 iyo sababta xukuumaddu isaga indho-tirayso soo celinta gobolladii ay sheegeen inay gacanta Puntland kusoo celin doonaan.

Mudane katirsan Barlamanka Puntland ayaa GO u sheegay inay aad u dhaliilsanyihiin tallaabada dowladda ee ku aadan difaaca dalka, waxayna sheegeen in kulanka barri noqon doono mid isbadal weyn keeni doono isagoo yiri "Runtii xukuumaddu wax mudnaan ah masiin gobollada Sool iyo Sanaag waad ogaydeen wixii ay ka hor ballanqaadeen shacabka iyo anagaba, laakiin wax ka fulay majirto, taas ayaana doonaynaa inaan kula xisaabtano".

Dhawr jeer oo hore Barlamanka ayaa su'aalo ku saabsan gobollada Sool iyo Sanaag weydiiyay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa balse waxay sheegeen inay arrintaasi tahay mid dastuuri ah oo ay muhiimad siin doonaan, hase ahaatee waxay noqdeen kuwo aan tallaabo laga qaadin, waxaana marba marka ka dambaysa maamulka Somaliland isku ballaarinayaa labadaas gobol isagoo hadda faragalin ka billaabay gobolka Haylaan.

Dalabka Xildhibaanada ayaa kusoo beegmay xilli maanta dagaal dhexmaray ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland nawaaxiga degmada Dhahar ee gobolka Sanaag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM