​Puntland: Booliiska Mudug oo shacabka u digay

Image

GALKACYO, Puntland- Taliska qaybta Booliiska gobolka Mudug ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda gobolka iyo xogo sheegaya in kooxda Shabaab qorshaynayso weeraro ay ka gaystaan gooboaha shacabku isugu yimaadaan, Idaacadaha iyo xarumaha dowladda.

 Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal oo warabaahinta kula hadlay Magaalada Galkacyo ayaa shacabka ugu baaqay inay digtoonaada islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada ammaanka isagoo ka codsaday inay lasoo wadaagaan wixii xog ah ee ku saabsan cidda ay ka shakiyaan iyo dadka magaalada kusoo siyaasada intaba.

Qaal ayaa sidoo kale fariin u diray mulkiilayaasha hotelada isagoo ka codsaday inay lasoo wadagaan xogaha dadka soo daga xarumahooda, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan ciidamado dhar cad ah oo la socda dhaq-dhaqaaqyada.

Taliyaha oo dhawaan loo magacaabay xilka uu hayo ayaa waxa uu ka hadlay waxqabadka mudadii uu xilka hayay isagoo sheegay inay gaareen guulo la taaban karo oo dhinaca amniga u badan.

Gaashaanle Sare Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in xaalada ammaan ee Magaalada Galkacyo ay aad u wanaagsatahay  isagoo xusay in Boolisku ku guleesteen soo Qabshada dad badan oo ka shaqeenayay  falal iskugu jira amni daro iyo dhaqan Xumo.

Taliyaha ayaa Amar duldhigay shacabka Kunool Galkacyo oo uu sheegay in Qofkii aan qaadan kaarka  aqoosiga dhalashada inay  u aqoonsanayaan inuu qayb ka yahay  dadka ka shaqeeyay Amni dara Gobalka Mudug.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli inta badan magaalada Galkacyo ay ka dhacaan dilal qorshaysan oo lagu tuhmo kooxda Al Shabaab kuwasoo badankooda aysan jiri cid loo soo qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM