Puntland: Cabashooyinka shillin Soomaaliga oo laga shiray

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda Shir-guddoominaya Shir gaar ah oo looga hadlayo xal u helida cabashooyinka la xiriira shillin Soomaaliga.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa ka qeybgalay Madaxweynihii hore Senator Cabdiraxmaan Faroole, Masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta, Bangiga Dowladda, Wasiiradii hore ee Maaliyadda Faarax Cali Shire iyo Cabdullaahi Shiikh.

Sidoo kale waxaa kulanka waxaa ka qeybgalay Khuburo ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha, La taliyeyaal Madaxweyne , Saraakiil Madaxtooyo, Taliska Ciidamada Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaar ka mid ah madaxda Jaamacadaha Puntland.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM