Puntland: Cabsi laga qabo soo laabashada Burcad Badeeda [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

13 Octobar, 2015(GO)-Bad-dhacda degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ayaa aaminsan inay suurta gal noqon karto haddii tilaabo laga qaadi waayo Maraakiibka habeen iyo maalin Jariifka ku hay xeebta, inay dib usoo laabtaan Burcad badeedii la suuliyay xiligii dowladdii Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.

Qaar ka mid ah Kalluumaysatada deegaanka ayaa maanta oo Tallaado ah Radio Garowe uga waramay xaaladda ganacsi ee xeebta,waxay xaqiijiyeen inuu istaagay ganacsigii kala dhaxeeyay dalka Yaman, dagaalada sokeeya darteed.

Dowladda ayay ku dhaliileen inaysan wax ka qaban Jariifka iyagoo og  inay khayraadka qaataan Maraakiib shisheeye, waxayna dhankooda xuseen inaysan awood u lahayd wax ka qabashadeeda.

Khalluumaysatada qaybtood ayaa qaba in arrinkan ku lug leedahay xukuumadda iyagoo u daliishana Somali la socota Maraakiibta wax Jariifa iyo wax ka qabasho la'aanta jirta.

Nolosha dadka deegaanka ayaa Jariifku saamayn ku yeeshay maadama aysan Kalluumaysan karin Bad dhacdu, waxaana falka sharci darada ah ee ugu badan gaysta dalalka Iran iyo Yemen, kuwaasi qaata Shamaagaha mar-marka qaybtoodna halis galiya nafta khalluumaysatada.

Dadka deegaanka ayaa xusaya inay Kalluumaysi u raadsadaan meel u jirta xeebta ugu yaraan 50 Mile.

Xukuumadda Puntland ayaa horay u sheegtay jiriifka sharci darada ah inuu yahay masiibo qaran, cidii lagu helana sharciga lala tiigsan doono, waloow ilaa hadda aysan jirin cid sharciga xukuumaddu sheegtay la horgeeyay iyadoo uu soo kordhayo baaqyada Kalluumaysatada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM