​Puntland: Camay oo dhagax dhigay waddo la dayactirayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey, ayaa maanta 23-Feb-2016 dhagax dhigay buundo u dhexaysa deegaanada Fallayryaale iyo God-qaboobe oo ka tirsan Gobolka Sool. 

Munaasabadda dhagax dhigga buundada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, hay'adda PHA, saraakiil kasocota madaxtooyada iyo dadweynaha deegaanadaasi. 

Goobta uu dhagax dhigay Camay, waxaa bar-bar  socd dayactir lagu samaynayo labo meelood oo  kamid ah  waddada laamiga ah oo mid kamid ah ay gaareyso 660mitir halka midda kale gaareyso 180mitir. 

Burbur xooggan, ayaa ka muuqda goobaha la dhagax dhigay, waxaana dhisaya Engineero reer Puntland ah. 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay in dhismaha buundadaasi iyo dayactirka lagu samaynayo wadda laamiga ah  uu kamid yahay ballanqaadkii dawladda ee ahaa Dhismaha kaabayaasha dhaqaaha Puntland.

“Waxaan rajeynayaa Waddo wax ku-ool ahi in ay meesha ka soo baxdo, waxaan sidoo kale rajeynayaa in shirakaddu ay kasoo bixi doonto mas’uuliyadda ay qaaday, dawladduna si dhab ah ayay u kor joogteyn doontaa,”Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Wuxuu kula dardaarmay shirkadda qandaraaska qaadatay oo ah shirkad waddani ah inay mas'uuliyad iska saarto shaqadan si looga fogaado burbur kale oo soo foodsaarta laamigaasi.

“Waxaann sidoo kale kula dar-daarmaya shacabka reer Puntland ee ku dhaqan deegaanada Fallaydhyaale iyo God-qaboobe in aad la shaqaysanaa shirkadda dhisaysa buundada oo aad qaybtiina kaqaadataan shaqada,”Ayuu yiri Camay. 

Dayactirka lagu samaynayo wadadaasi, ayaa yimi xilli burbur xoogleh soo wajahay, taasi oo ay ka dhasheen shilal kala duwan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM