​Puntland: Camay oo ka hadlay shirka Istanbul

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo maanta gaaray magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, ayaa ka hadlay shirka arrimaha Somalia looga hadlayo ee kasocda magalada Istambul, xarunta dalka Turkiga. 

Cabdixakiim Cabdullahi Cumar Camay, ayaa sheegay inaysan Puntland ka qayb galin shirkaasi, balse jiraan wasiiro kusugan madasha oo ka qayb noqonaya kulamo looga hadlay Ammaanka iyo ganacsiga Somalia. 

Camay, ayaa sheegay in shirka looga hadlayey hiigsiga cusub ee Soomaaliya ee diiradda lagu saaray horumarka dalka, dhaqaalaha iyo maalgashiga in ay Puntland uga qayb galeen xubno ka tirsan golaha Xukuumadda.

Sidoo kale shirkii looga hadlayey arrimaha siyaasadda soomaaliya oo diiradda lagu saarayey hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka ayuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland in aanay jirin haba yaraatee cid Puntland uga qayb gashay shirkaa, taa beddelkeedana aanay  Puntland qusayn go’aamada kasoo bixi doona  shirkaasi. 

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey ayaa sidoo kale ku tilmaamay shirkaasi  mid ummadda soomaaliyeed lagu sii kala fogeynayo, isla markaasina  lagu wiiqayo geeddi socodkii nabad soomaaliya.

Hadalkan, ayuu kusimaha Madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay xilli maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magalada Bosaso oo u tagay arrimo la xiriira ciidamo tababar loo xirayo, waxaana safarkaasi qaadan doonaa ku dhawaan 5 bari. 

Docda kale Madaxweynaha, ayaa wada qorshayaal loogu gurmanayo abaaraha ka taagan meelo kamid ah gobollada Puntland, wuxuuna guddoomiye u yahay guddi dhawaan la magacaabay. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM