Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Image

Boosaaso, Puntland – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa qabtay gaari yar oo la tuhunsan yahay inuu siday raashin iyo qalabka tamarta qoraxda, kuwaas oo la doonayay in si qarsoodi ah loogu gudbiyo kooxda Daacish ee ku go’doonsan deegaanka Webiga Baalde, kadib howlgallo ciidan oo dhowaan ka dhacay halkaasi.

Afhayeenka Booliska Puntland ayaa war kooban ku sheegay in ciidanku ay qabteen laba nin oo da’yar ah iyo gaarigii ay wateen, xilli ay marayeen deegaanka Biyo Kulule, oo u dhaxeeya Boosaaso iyo Baalde.

“Waxaa noo caddaatay in sahaydan loo waday kooxda Daacish, balse waxaa lagu soo qabtay kahor inta aysan gaarin halkii loo waday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska.

Warbixin sirdoon oo laga helay gudaha kooxda Daacish ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay si buuxda uga go’an yihiin marinadii ay ku heli jireen sahayda, sida raashinka iyo daawooyinka, kadib go’doon adag oo ay ku soo rogeen ciidamada Puntland.

Ilo-wareedyo amni ayaa sheegay in xubnaha Daacish ay hadda ku uruursan yihiin saddex goobood oo ku yaalla aagga webiga Baalde: Il-Abbal, Yucrin, iyo Maraagade – meel qiyaastii 20km u jirta magaalada Boosaaso.

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso, halkaas oo ah magaalo xeebeed muhiim ah oo ku taalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Ciidamada Puntland ayaa sii xoojinaya la-dagaalanka kooxaha xagjirka ah, iyagoo horey guulo uga gaaray dagaallo ka dhan ah Daacish iyo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM