Puntland: Ciidamo kayimid Galkacyo oo qabsaday degmada Xarfo

Image

XARFO, Puntland- Isu socodka gaadiidka ayaa hakad ku jira, waxaana xiran wadada xiriirisa magaalooyinka Galkacyo iyo Garowe, kadib markii ciidamo kayimid xarunta gobolka Mudug ay qabsadeen magaalada, sida ay Radio Garowe u xaqiijiyeen wax-garadka degmadaas.

Ciidamadan oo isugu jira kuwa Birmadka gobolka Mudug iyo Booliis, ayaa ka cabanaya mushahar la’aan iyo xuquuq kaga maqan dowladda.

Nabadoon Xasan Macallin Daahir oo  kamid ah waxgaradka degmadaas oo la hadlay Idaacadda Garowe, ayaa sheegay in dhacdooyinka ay soo noq-noqdeen tan iyo intii uu xukunka qabtay Madaxweyne Gaas, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Xarfo noqoto goob mar kasta lagusoo duulo.

Dowladda ayuu ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay tallaabooyinka keenaya in fowod laga dhigo degmada Xarfo.

Nabadoon Daahir, ayaa cadeeyay inaysan jirin wax gaadiid ah oo ka gudbaya magaalada Xarfo.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka xunyihiin dhibaataynta shacabka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada dalka, isagoo xusay inay u cabanayaan dhammaan cid kasta oo wax ka qaban karta.

Majirto dadaalo ilaa hadda socda si wax looga qabto ciidanka Gadoodsan, balse Nabadoonka ayaa sheegay in odoyaasha Xarfo ku dadaalayaan sidii dib loogu celin lahaa goobihii ay ka yimaadeen.

Ciidankan ayaa qabsaday Kastamka wasaaradda Maaliyadda Puntland ee degmada Xarfo.

Maaha markii u horaysay ee ciidanka qabsadaan xarunta, balse waxaa horay u jiray Gadoodyo noocaan ah oo ciidankaas dhowr jeer ku qabsadeen degmada, waxaana ay haysteen muddo dhowr cisho ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu goobta soo gaaray taliyaha Qaybta Booliiska gobolka Mudug, balse uu dib u laabtay kadib markii uu xallin waayay arrintan ciidankuna laftigiisa ku gadoodeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM