Puntland: Cudurro ka dhashay duufaanta ku dhufatay gobolka Gardafuu [Dhagayso]

Image

03 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya tuulada Dhurbo oo qiyaastii 17-km u jirta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ayaa laga soo sheegayaa xanuuno ka dhashay Badda oo kacday.

Galinkii dambe ee shalay 02 November, 2015, waxaa isbadalay gabi ahaan jawiga tuulada Dhurbo ka dib markii Baddu ka soo gudubtay xadkii ay joogtay, waxaana weheliyay qiiq iyo uuro sababay inay ka dhashaan cudurro saameeyay dhammaan bulshada ku nool halkaasi.

Macalin Cabdiraxmaan Cumar Cabdullahi oo ka mid dadka ku nool halka arrintaasi ka dhacday, ayaa Radio Garowe u sheegay in dadkii tuulada ku noolaa ku dhacay cudur aysan horay u arag balse soo shabaha waxa Somalidu u taqaano Durayga ama Hargabka, wuxuuna wataa qufac, hindhiso, madax-xanuun iyo indho xanuun.

Tuulada Dhurbo malahan, goob caafimaad, mana jirto cid wax ka qabatay xaaladda ka jirta, waxayna maamulka gobolka iyo dowladda ka codsadeen in wax laga qabto.

Ilaa hadda ma jirto cid u dhimatay xanuunka laga soo sheegayo tuulada Dhurbo, balse waxaa u jiifa badi dadka deegaanka.

Arrintan ayaa timi ka dib markii dufaanta Chapala ku dhufatay gobolka Gardafuu ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM