Puntland: Daawo wareysigii sababey in Deperani xabsiga loo taxaabo

Image

21 Nov, 2015 (GO)- Kadib markii wariye Jamac Deprani oo ka tirsan Tv-ga Somali Chanel uu wareysi dhinacyo badan taabanayey aqalka madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ka daganyahay madaxtooyada Puntland kula yeeshey wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa waxaa dadweynaha Somalia daawadeen habeenimadii Jimacaha 20 Nov,2015 barnaamijkaan oo dhameystiran.

Wariye Jamac Deprani ayaa wareysigana wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ku waydiiyey su'aalo xasaasi ah kuwasoo sababey in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas bixiso amarkii lagu soo xirey.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka ayaa wareysigaan ku cadeeyey in 600 qof ee fariistey magaalooyinka kala gedisan ee Puntland kuwasoo la sheegey in wax laga waydiinayo nidaamka doorashada ka dhaceysa Somalia 2016, 350 qof oo kamid ah aragtidooda wax tixgalin ah la siin doonin.

Barnaamijkaan ayaa nasiib daro dadweynaha Somalia gaar ahaan reer Puntland daawadeen iyadoo wariye Jamaac Depraani ku jiro xabsiga ku yaala saldhiga Booliska magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJKAAN OO DHAMEYSTIRAN- XIGASHO SOMALI CHANEL

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM