​Puntland: Dad calaamadsaday qaybo kamid Garoonka diyaaradaha Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Maamulka gobolka Nugal, ayaa xaqiijiyay in la caalamadaystay qaybo kamid ah Garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo hadda dhismihiisu marayo heer gabo gabo ah.

Ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Nugal, Qaasim Maxamed Cabdi, ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay inay xalay dad ku dhaqan magaalada Garowe Cagaf cafag galiyeen qaybo kamid ah dhulka loo asteeyay madaarka diyaaradaha Garowe.

Qaasim ayaa sheegay inay hayaan magacyada dadka ku dhaqaaqay tallaabadaas dhawaanna la soo taagi doonaan maxkamad, wuxuuna maamulka degmada Garowe iyo laamaha ammaanka faray inay gacanta kusoo dhigaan.

Mar wax laga weydiiyay sida ay ku dhacday in la calaamadeeyo dhul kamid ah Garoonka iyadoo ay joogaan ciidamo islamarkaana kaabiga ku hayo Kantaroolka Bari, ayuu xusay in lagu beegay xilli dambe, isagoo hadalkiisa raaciyay dhulka Garoonku yahay mid aad u ballaaran.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay inay ciidamo wardiyeeya u sameeyeen Layrarka cad-ceedda ku shaqeeya ee ku xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Garowe, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi gacan weyn ka gaysteen shacabka magaalada Garowe.

Tallaaboonka is-xigay ee maamulka gobolka Nugal ka hadlayo, ayaa ah howlo ay u xilsaarantahay degmada Garowe, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay kuwaasoo ku saabsan cidda xaday Batariyada waddooyinka iyo sidoo kale dadka calaamadaystay garoonka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM