Dadweynaha Galkacayo oo bilaabey iney ka qaxaan guryahooda

Image

Nov 24, 2015 (GO)- Magaalo madaxda gobolka mudug ee  Galakacayo oo dagaal ku dhexmarey maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug iyo ciidamada Puntland 22 Nov, 2015 kaasoo ay ku dhinteen dad gaaraya 5 qof halka dhaawaca gaarayey 50 ayaa wararka ka imaanaya sheegayaan in shacabka labada dhinac bilaabeen iney qaxaan.

Qaxa shacabka ayaa yimid saqdii dhexe ee xaley scdana ilaa maanta 24 Nov, 2015  kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya iney burbureen wadahadalo u dhexeeya odayaal ka socdey labada dhinac ee dirirtu ku dhexmaretey magaalada Galkacayo.

Buburka wadahadalkaan ayaa warar Garowe Online helayo sheegayaan iney timid markii goob ay isku horfadhiyeen ciidamo ka socda labada dhinac diideen in la kala qaado taasoo sababtey iney xaalada kor u kacdo.

Dhinaca kale maamulka Galmudug iyo Puntland ayaa midba mid kale ku eedeynayaa iney wadaan diyaar garow dhinaca ciidaamada ah iyadoo ilo wareedyo madaxbanaan sheegayaan in abaabul xoogan labada dhinac wadaan.

Dagaalkaan ayaa bilowdey kadib markii kooxo maleeshiyaad ah ee ka tirsan maamulka Galmudug hojoogsadeen wado laga dhisayey xaafada Garsoor ee magaalada Galkacayo kuwasoo weerar ku soo qaadey howl-wadeeno goobtaas ku sugnaa.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku eedeeyey in midba mid kale ka dambeeyey colaada ka jirta magaalada Galkacayo kuwasoo ku goodiyey iney is difaaacayaan.

GAROWEONLINE kala soco wararka ugu dambeeyey xaalada magaalada Gaalkacayo

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM