Puntland: Dhismaha goleyaal degaan oo dib loo dhigay

Image
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xustey in dib-u-dhacan ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan fahfaahin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey in dib loo dhigay dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo ku qorshaysnaa 27ka January 2022.

Wasaaradda arrimaha gudaha oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa shaaca ka dhigtey in dib-u-dhacan ay salka ku hayso "arrimo farsamo" wallow aysan bixin tafaasiil dheeraad ah.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay dhammaan inta ay quseyso ka raaligelinaysaa in Wasaaraddu go'aan ku gaartay in aan dib u dhigno dhismaha Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Eyl iyo Qardho oo ku qorshaysnaa 27ka January 2022 si aan u dhammeyno hawlo farsamo oo ay tahay in la qabto ka hor inta aan la fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee ku yimid doorashadii 25kii October 2021," ayay tiri.

Qoraalka waxay raacisay: "Waxaan mar labaad ka cudur daaranaynaa dib u dhaca ku yimid dhismaha Degmooyinka kor ku xusan. Wasaaradda ayaana dib ka soo sheegi doonta wakhtiga la qabanayo InshaAllaah".

Horaantii bishan Janaayo sanadka cusub ee 2022-ka ayay ahayd markii wasaaradda arrimaha guduhu ay muddeysay dhismaha goleyaasha degaanka iyo doorashadda guddoomiyaasha degmooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM