Puntland: Goobta lagu hishiisiinayo beelaha oo la dhagax dhigay dhismo nabadeed

Image
Image

25 Octobar, 2015(GO)-Odoyaasha dhaqanka ee ku hawlan sidii nabad looga dhex abuuri lahaa beelaha walaaha ah ee ku dagaalamay deegaanada Qorilay iyo Magaclay ee gobollada Sool iyo Nugal aya dhagax dhigay dhisme loogu magac daray dhismaha Nabadda.Halkan ka daawo

Odoyaashan oo ka socda deegaanada Puntland iyo maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gogosha nabadeed la dhigay deegaanka Xoorre oo u dhaxeeya labada deegaan ee lagu dagaalamay, waxayna tilmaameen in la keenay dhammaan agabkii lagu dhisi lahaa.

Waxgaradka ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii loo keeni lahaa agabkaasi, waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in guul waarta laga gaaro colaadda beelaha ee soo aloosnayd muddo ka badan 10 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM