Dibadbax ka dhan ah Dowladda Federaalka oo Garowe ka dhacay

Image
Image
Image

June 28, 2015 (GO)- Dibad-bax ballaaran oo lagu cambaareynayey siyaasadda Dowladda Federaalka ee ku aaddan hirgelinta nidaamka federaalka ayaa maanta ka dhacay magaalo-madaxda Puntland ee Garowe.

Dibad-baxa oo ahaa mid si nabad ah ku dhacay islamarkaana ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin badan oo Dowladda Puntland ka tirsan iyo ku dhowaad afar boqol oo qof, waxaa soo qaban qaabiyey maamulka gobolka Nugaal.

Dadka muddaaharaadka ka qayb galay ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ereyo liddi ku ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlammaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wakiilka Qaramada Midoobey, Nicholas Kay.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw-Axmed oo kamid ahaa mas'uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalku ku fashilantay hirgelinta nidaamka federaalka, kuna xadgudubtey dastuurka dalka. DHEGEYSO

Wuxuu sidoo kale si kulul u dhaleeceeyey Guddoomiye Jawaari oo uu ku tilmaamay qaran-dumis. Si taas lamid ah wuxuu u cambaareeyey Nicholas Kay isagoo xusay in uu ku jiho wareeray siyaasadda Soomaaliya.

Guddoomiye Aw-Ciise wuxuu ugu dambeyntii baaq u diray goleyaasha dowladda Puntland, isagoo ugu baaqay inay mowqif adag ka qaataan xaaladda taagan.

Muddaaharaadka maanta magaalada Garowe ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli uu gaba gabo ku dhow yahay dhismaha maamulka lagu muransan yahay ee loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

Dastuurka maamulkaas waxaa ku qoran in xuduuddiisa dhanka waqooyigu tahay ilaa gobolka Nugaal, arrintaas oo dadka iyo dowladdda Puntland si weyn uga caroodeen kuna tilmaameen mid aan sinaba loo aqbali karin islamarkaana horseedi karta colaad dib uga soo cusboonaata gobollada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM